HomeWararMaamulka Hirshabeelle oo war ka soo saaray dadkii lagu dilay Galmudug

Maamulka Hirshabeelle oo war ka soo saaray dadkii lagu dilay Galmudug

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu laayay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo. “anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Hirshabeelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu laayay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

“anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Hirshabeelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka Soomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelka ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo janatul Fardowsa” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad shacab ah xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso Falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.

Dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad looga xumaaday, waxaana dadka la dilay  ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya ayaa ah 13 ruux waxaana afar ka mid ah ay ka soo jeedaan Hirshabelle.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories