HomeWararSawirro:-Axmed Karaash oo kormeer ku tegay Furumaha dagaalka ee Af-urur

Sawirro:-Axmed Karaash oo kormeer ku tegay Furumaha dagaalka ee Af-urur

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala deegaankaasi.

Kormeerka kadib Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu waxa ay kulan muhiima la qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee dalkooda iyo dadkoodaba ka difaaca dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kusimaha Madaxweynaha oo lahadlay ciidanka ayaa u jeediyey ammaan iyo bogaadin ku aadan 10-kii sano ee u danbeeyey ee ay dalkooda iyo dadkoodaba ka horjoogeen Al-shabaab iyo kuwa la halmaama ee ay dhibto nabadda, horumarka iyo wadajirka dowladda iyo shacabka Puntland ay gaareen. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Karaash xusay in Puntland ay ku leddo ciidamadooda geesiyaasha ah ee aan wax-jixinjix ah u gelin Al-shabaab iyo Daacish.

”Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010-kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno, Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo difaacaya dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waxaanu u nimad sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto, waadna ku amaanantihiin”.

”Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad yeelataan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories