HomeWararCiidamada PSF oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada PSF oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Puntland. War qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka intii uu socday lagu qabtay Shaqsiyaad ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab. […]

- Advertisement -

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Puntland.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka intii uu socday lagu qabtay Shaqsiyaad ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in howlgalka ay sameeyaan Ciidanka (PSF) lagu xaqiijinayo Amniga Gobolada Puntland,isla markaana waxaa ay u mahadcelisay dhammaan Shacabka ku dhaqan deegaanadaas.

“Waxaa Ciidanka Amniga PSF Bosaaso iyo Gaalkacyo Xalay hawl ku soo qabteen Shaqsiyaad ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab. Hawlgaladan ayaa socda si loo xaqiijiyo Amniga gobolada Puntland. Waxaan ugu mahadcelinaynaa dhamaan shacabka sida ay u garab taagan yihiin ciidamada amaanka” ayaau lagu yiri warka ka soo baxay Ciidanka Amniga  (PSF).

Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro,waxaana Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay Magaalada Boosaaso ka dhacay weeraro kala duwan iyo dilal qorsheysan.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories