HomeWararSawirro:-Guddoomiye Yariisow oo kormeer ku tegay Xabsiga Guud ee Muqdisho

Sawirro:-Guddoomiye Yariisow oo kormeer ku tegay Xabsiga Guud ee Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku tegay Xabsiga guud ee Muqdisho oo loo dhisay hab Casri ah. Kormeerka Guddoomiye Yariisow uu ku gaaray Xabsiga guud ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku tegay Xabsiga guud ee Muqdisho oo loo dhisay hab Casri ah.

Kormeerka Guddoomiye Yariisow uu ku gaaray Xabsiga guud ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanahay in maxaabiista ay helaan xaquuq sare oo leh hoy casri ah,raashin tayo leh iyo waxbarasho isagu jirta.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in maxaabiistii ugu horreysay ay ku hoyanayaan  Xabsiga weyn ee  ku dhex yaalla Xarunta Ciidanka Astuubta Soomaaliyeed,kuwaasi Maanta si rasmi ah looga soo wareejiyey Xabsiga dhexe ee Xamar.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u istaageen xuquuqda muwaadiniinta.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories