HomeCaalamkaRaashiya oo Gantaalo Casri ah ka iibinaysa Turkiga

Raashiya oo Gantaalo Casri ah ka iibinaysa Turkiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxa Shirkadda Difaaca Raashiya  ROSTEC, Sergey Chemesov ayaa sheegay inay muddo 2 bilood gudahooda ku gaarsiin doonaan dalka Turkiga Nidaamka Gantaalladda Difaaca ee S 400, isla markaana la tababaray shaqaalihii ku hawl-geli lahaa. Sergey Chemezov waxa uu hadlkaasi ka sheegay Shirka Dhaqaalaha Caalamiga ee shalay ka furmay magaalladda Saint Peterburg ee dalka Raashiya Waxa uu […]

- Advertisement -

Madaxa Shirkadda Difaaca Raashiya  ROSTEC, Sergey Chemesov ayaa sheegay inay muddo 2 bilood gudahooda ku gaarsiin doonaan dalka Turkiga Nidaamka Gantaalladda Difaaca ee S 400, isla markaana la tababaray shaqaalihii ku hawl-geli lahaa.

Sergey Chemezov waxa uu hadlkaasi ka sheegay Shirka Dhaqaalaha Caalamiga ee shalay ka furmay magaalladda Saint Peterburg ee dalka Raashiya

- Advertisement -

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Heshiiskaasi mar hore galay Heerarkii ugu dambeeyey, iyadoo Dowladda Turkiga shaacisay muddada ay dhamaan kharajka Gantaallada S400 ku bixin doonto.

Madaxa Shirkadda Difaaca Raashiya ee ROSTEC waxa kale oo uu shaaciyey inay tababarka u dhameeyeen Khubarada Turkishka ee ku hawlgeli lahaa Nidaamka Difaaca Gantaalladad ee S400, taasi oo xusay inay tahay calaamad muujinaysa inuu heshiisku dhamaad ku dhow yahay, inkastoo ay Dowladda Maraykanka si xooggan u mucaardsan tahay Heshiiskaasi.

Xiisad ayaana ka dhex aloosan Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga oo ku aadan Iibsiga Turkiga ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka Difaaca ee S400

- Advertisement -

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay u sheegtay Dowladda Turkiga inay kansal-gareynayaan Qandaaskii Diyaaradaha Dagaalka ee F35 Fighter Jets looga iibin lahaa Turkiga, haddii ay Dowladda Turkiga sii wadaan Qandaraaska ay Raashiya kaga iibsanayaan Gantaalladda S-400 missile defence system.

Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Patrik Shanahan waxa uu qoraal u diray Dowladda Turkiga oo uu ku sheegay in dhamaan Tababarkii Duuliyayaasha Turkiga ee Diyaaradaha F35 la soo gebagebeyn doono bisha soo socota ee July 31-da.

Waxa kale oo uu u sheeegay  Duuliyayaasha Turkiga ee tababarka Diyaaradaha Dagalka ee F35 ku qaadanayey gudaha Maraykanka laga doonayo inay dalka isaga ambabaxaan ka hor dhamaadka bisha soo socota.

Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Patrik Shanahan waxa uu qoraal uu u diray Turkiga ku sheegay inaysan jiri doonin tababar cusub oo Diyaaradaha F35, iyadoo la qorsheeyey in 34 Arday Tukish ah loo tababari lahaa Duulista Diyaaradaha Dagaalka ee F35 sannadkan gudihiisa.

Waxa kale oo uu qoraalkiisa uga digay Dowladda Turkiga in Heshiiska ay  Raashiya uga iibsanayaan Gantaalladad S400 uu khatar gelinayo xiriirka ay la leeyihiin Isbahaysiga NATO, isla markaana uu dhaawaci doono Dhaqaalaha Turkiga.

Maraykanka waxay horey Turkiag la galeen heshiis looga iibinayo 100 ka mid ah Diyaaradaha Dagaalka F35, oo ay ku kici doonto lacag dhan 9 Billion oo Dollar

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories