HomeWararMareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish-ta Somalia

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish-ta Somalia

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay 6 ka mid tirsan Kooxda Daacish ku dileen duqeyn bishan 4-dii ka dhacday Buuraha Golis ee W/bari Somalia. Waa duqeyntii 7-aad ee ay Maraykanka bishii hore iyo bishan June la beeegsadaan Dagaalamayaasha Daacishta Somalia iyo Alshabaab ee fariisimadda ku leh Buuraha Golis. Ku-xigeenka […]

- Advertisement -

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay 6 ka mid tirsan Kooxda Daacish ku dileen duqeyn bishan 4-dii ka dhacday Buuraha Golis ee W/bari Somalia.

Waa duqeyntii 7-aad ee ay Maraykanka bishii hore iyo bishan June la beeegsadaan Dagaalamayaasha Daacishta Somalia iyo Alshabaab ee fariisimadda ku leh Buuraha Golis.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Agaasimaha Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral William P. West ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan Kooxaha ku sugan gudaha Somalia, si ay dowladda  fursad ugu helaan in la arbusho Hawlgalladda Kooxahaasi iyo in layareeyo dhaqdhaqaaooda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Dowladaha Maraykanka iyo Somalia sii wadi doonaan Hawlgalladda lagu naafeynayo Awoodaha Dagaalamayaasha ku sugan gudaha Somalia.

Dhinaca kale, Taliska AFRICOM waxay sheegeen inay sii wadi doonaan La-shaqeynta  Saaxiibadooda iyo sidii ay Hawlgalka AMISOM ugu wareejin lahaayen DFS iyo Maamul-gobaleedya mas’uuliyadda xilliga dheer ee Ammaanka Somalia.

- Advertisement -

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in Ciiddanka Maraykanka adeegsan doonaan dhamaan qaababka ay ugu taageeri lahaayeen Badbaadinta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan  Ciiddanka Hawlgalladda ka taageera DFS, AMISOM iyo Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories