HomeWararFaah faahin:-Askari Gabar yar ku dilay Jowhar oo gacanta lagu dhigay

Faah faahin:-Askari Gabar yar ku dilay Jowhar oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu gabar yar ku dilay. Dilkan loo geystay gabadha yar oo da’ ahaan jirtay 9-sanno ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Jowhar,kaasi oo lagu iibiyo Qaadka. […]

- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu gabar yar ku dilay.

Dilkan loo geystay gabadha yar oo da’ ahaan jirtay 9-sanno ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Jowhar,kaasi oo lagu iibiyo Qaadka.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in gabadha yar ee la dilay ka timid Magaalada Muqdisho,isla markaana Jowhar u tegtay dabaaldaga Munaasabadda Ciidul fitriga awgeed,

Allaha u naxariistee Meydka Gabadha ayaa goobta uu falka ka dhacay waxaa ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas halkaasi ka Agdhawaa.

Sidoo kale askarigii ka dambeeyay falkaas naxdinta leh ee ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray Saldhiga Booliska Jowhar,waxaana gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories