HomeCaalamka(Warbixin) Ciidanka Ammaanka Masar oo lagu eedeeyey Dembiyo Dagaal

(Warbixin) Ciidanka Ammaanka Masar oo lagu eedeeyey Dembiyo Dagaal

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay maanta soo saartay Warbixin ay ku sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka Masar galeen gabood-fal ka dhan ah Aadanaha. Warbixinta oo ka kooban 134 bog  waxaa lagu sheegay inay ciiddanka tacadiyo baahsan ka galeen dadka rayidka ee ku nool Waqooyiga Gacanka Siinaay. Hay’adda Human Rights oo Xarunteeda […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay maanta soo saartay Warbixin ay ku sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka Masar galeen gabood-fal ka dhan ah Aadanaha.

Warbixinta oo ka kooban 134 bog  waxaa lagu sheegay inay ciiddanka tacadiyo baahsan ka galeen dadka rayidka ee ku nool Waqooyiga Gacanka Siinaay.

- Advertisement -

Hay’adda Human Rights oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxay sheegtay inay Warbixintu ku salaysan tahay cilmi-baaris  ay sameeyeen sannadihii 2016-kii ilaa 2018-kii, iyadoo Warbixinta asaas  looga dhigay wareysiyo lala yeeshay 54 qof oo deggan Waqooyiga Siinaay iyo Saraakiil hore oo Dowladeed iyo Milliteri iyo Warbixino rasmi ah iyo Sawiro lagu qaaday Dayax-gacmeedka.

Hay’addu waxay diiwaan gelisay waxa ay ku sheegtay 50 xarig sharci-darro ah oo loo geystay dadka Deegaanka, oo ay ku jiraan 39 kiis oo  dadka lagu xiray goobo aan la aqoonin.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in la diiwaan geliyey 14 kiis oo dilal sharci-darro ah, iyadoo dadkaasi la dilay iyadoo aan loo marin Nidaam sharci oo fasaxay dilalkaasi.

- Advertisement -

Warbixinta Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxaa kaloo lagu  muujiyey in qaar ka mid ah dadkii la xiray ay ku geeriyoodeen gacanta ciiddanka, sababo la xiriira xanuun iyo daryeel la’aan dhanka caafimaadka.

Warbixinta waxay ku eedeysay Ciiddanka Ammaanka ee dalka Masar xarig sharci-darro oo ay ku jireen haween iyo carruur, dad la waayey,  jir-dil, dilall sharci-darro, ciqaab wadareed iyo bara-kicin khasab ah.

Hay’adda Human Rights Watch waxay ku boorisay Dowladdaha Caalamka inay joojiyaan Taageeradda Milliteri ee ay siiyaan Ciiddanka Masar.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Adeegga Warfaafinta ee dowladda Masar iyo Milliteriga dalkaasi waxay sheegeen inay ka jawaabi doonaan Warbixintaasi, marka ay arkaan oo ay dhuuxaan nuxurkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Masar waxa  la sheegay inuu ka gaabsaday inuu ka hadlo Warbixinta Hay’adda Human Rights ku sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka Masar galeen waxa ay ugu yeertay Dembiyo Dagaal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories