HomeCaalamkaDonald Trump oo sheegay inuusan bedel doonin Dowladda Iiraan

Donald Trump oo sheegay inuusan bedel doonin Dowladda Iiraan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha Maraykanka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Japan ee Tokiyo ayaa sheegay inaysan doonaynin inay Dowladda Iiraan xilka ka tuuraan, balse ay doonayaan in laga joojiyo hubka Nukliyeerka. Wuxuuna intaasi ku daray inuu rumeysan yahay inuu heshiis la gaari doono Iiraan, isla markaana aysan cidna doonaynin waxyeello. Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Japan, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Japan ee Tokiyo ayaa sheegay inaysan doonaynin inay Dowladda Iiraan xilka ka tuuraan, balse ay doonayaan in laga joojiyo hubka Nukliyeerka.

Wuxuuna intaasi ku daray inuu rumeysan yahay inuu heshiis la gaari doono Iiraan, isla markaana aysan cidna doonaynin waxyeello.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe waxa uu sheegay inuu doonayo inuu dhexdhexaadiyo Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan, si looga gaashaanto iska horimaad dhex mara labada dhinac.

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inuu Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe qorsheynayo inuu bisha soo socoto booqasho ku tago dalka Iiraan, si xal loogu helo Khilaafkaasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories