HomeCaalamkaAmiirka Qatar oo casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga

Amiirka Qatar oo casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani waxa u ushalay casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis, si uu uga qeyb galo Shirka Degdegga ee ay Madxada Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga  Gacanka Carbeed ee GCC bishan May 30-da ku yeelan doonaan magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama. Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA ayaa […]

- Advertisement -

Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani waxa u ushalay casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis, si uu uga qeyb galo Shirka Degdegga ee ay Madxada Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga  Gacanka Carbeed ee GCC bishan May 30-da ku yeelan doonaan magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Farriinta Sacuudiga loo soo dhiibay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga  Gacanka Carbeed ee GCC, Cabdul-ladiif Bin Rashiid Al-zayaani, kaasi oo shalay booqasho ku tegay caasimadda dalka Qatar ee Doha.

- Advertisement -

Dhambaalkaasi waxaa loo dhiibay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani.

Ma kala cadda inuu Amiirka Qatar aqbali doono casuumaadda Boqor Salmaan,  iyadoo uu Amiirka Qatar horey uga biyo-diiday Casuumaad hore oo uu Boqorka Sacuudiga ku casuumay Shirkii  39-aad  ee Madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka  oo bishii December 7-dii ee sannadkii hore lagu qabtay Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Bishii June ee sannadkii 2007-dii, waxay Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Barxayn iyo Masar si wadajir ah xiriirkii Diplomaasiyadeed ugu jareen dalka Qatar, oo ay ku eedeeyeen inay maalgeliso Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar had iyo jeer beeniso Eedeymahaasi.

- Advertisement -

Tan iyo xilligaasi, Dowladahaasi waxay Qatar ku soo rogeen cunaqabatayn ilaa haatan saaran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories