HomeCaalamka30 qof oo ku geeriyootay dooni ku degtay Koongada Dimuqraadiga

30 qof oo ku geeriyootay dooni ku degtay Koongada Dimuqraadiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxda Deegaanka ayaa sheegay inay ugu yaraan 30 qof gereiyootay, tobaneeyo kalena weli lagu la’ yahay dooni ku degtay Harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow Tuulladda Lokanga ee  Galbeedka dalkaasi. Duqa magaalladda Inongo oo lagu magacaabo Simon Mabo Wemba ayaa u sheegay Warbaahinta inay soo saareen maydadka 30 qof oo kala ahaa 12 […]

- Advertisement -

Madaxda Deegaanka ayaa sheegay inay ugu yaraan 30 qof gereiyootay, tobaneeyo kalena weli lagu la’ yahay dooni ku degtay Harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow Tuulladda Lokanga ee  Galbeedka dalkaasi.

Duqa magaalladda Inongo oo lagu magacaabo Simon Mabo Wemba ayaa u sheegay Warbaahinta inay soo saareen maydadka 30 qof oo kala ahaa 12 haween, 11-carruur iyo 7 nin.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in la soo badbaadiyey 170-qof, mana kala cadda tirada guud ee Rakaabkii la socday Doonidaasi, inkastoo ay Saraakiisha ku qiyaaseen dhowr boqol oo qof.

Bishii la soo dhaafay ee April , ugu yaraan 167 qof ayaa ku geeriyootay labo shil dooni oo ka dhacay dalkaasi, oo ay aad ugu badan yihiin dadka ku le’da Doonyaha ku dega Harooyinka ku yaalla dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories