HomeCaalamkaHoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa Islaamka oo Shir Degdeg ah yeelanaya

Hoggaamiyayaasha Carabta iyo kuwa Islaamka oo Shir Degdeg ah yeelanaya

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga. Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee Ammaanka iyo Deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka. Qabsoomida Kulankaasi ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga.

Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee Ammaanka iyo Deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka.

- Advertisement -

Qabsoomida Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay welli xaallado ka jiraan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq, Algeria, Sudan, iyadoo ay weli Yuhuudda dhibaatooyin ka geystaan dhulka Falastiin iyo magaalladda Quddus-ta La-haysto iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Sidoo kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay cabsi xooggan laga qabo Isku-dhac dhex mara Milliteriga  Maraykanka iyo kuwa Iiraan.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu casuumay Kulankaasi ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb geli doono Kulankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareed ku dhow Madaxtooyadda Villa Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Guuleed oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkaasi oo la hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ayaa sheegay inay dalka Sacuudiga dal walaal ah, Madaxa Carabta iyo Qibladda Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caddow kasta oo Sacuudiga soo beegsada  uu yahay Caddow guud oo dhamaanteenna na soo beegsaday.

Madaxweyne Geelle waxa kale oo u uka hadlay Xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudiga, Somalia iyo dadaalka ay Dowladda Sacuudiga ugu jirto  xal-u-helista khilaafka dhuleed ee Jabuuti iyo Eritrea.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts