HomeWararUNSOM oo dib u soo celinaysa Xiriirka DFS, kadib cayrintii Ergaygii hore...

UNSOM oo dib u soo celinaysa Xiriirka DFS, kadib cayrintii Ergaygii hore ee QM

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga waxa u uxalay u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay dib u soo celinayaan Xiriirkii ay la lahaayeen DFS, kadib, markii ay DFS horey u cayrisay Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia. Waxa uu sheegay inay horumar wanaagsan ka sameeyeen dib-u-soo-celinta xiriirkaasi, […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga waxa u uxalay u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay dib u soo celinayaan Xiriirkii ay la lahaayeen DFS, kadib, markii ay DFS horey u cayrisay Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia.

Waxa uu sheegay inay horumar wanaagsan ka sameeyeen dib-u-soo-celinta xiriirkaasi, inkastoo uu tilmaamay inay jiri karaan caqabado iyo inay weli jiraan qoddobo tijaabo u noqon kara Xiriirkaasi.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee UNSOM,Raisedon Zenenga waxa uu hoosta ka xariiqay  inay wada hadaladu meel wanaagsan marayaan, marka loo eego xaalladii jirtay bilowgii sannadkan.

Dhinaca kale, Wada-xaajoodyadii uu la yeeshay Ra’isul-wasaaraha DFS, Xasan Cali Kheyre ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo wax dhisaya, tan iyo wixii ka dambeeyey booqashadii uu Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda, Romsemary DiCarlo ku yimid Muqdisho bishii Feberaayo ee sannadkan.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Ra’isul-wasaare Kheyre sheegay inay xoojinayaan Xiriirka QM, lana shaqeyn oonaan  Ergayga Qm ee la soo magacaabi doono.

- Advertisement -

DFS waxay bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan dalka ka cayrisay Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, ahaana Madaxii Hawlgalka UNSOM, Nicholas Haysom, kadib, markii la sheegay inuu yahay Shaqsi aan laga jeclayn Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, QM oo galangal Diplomaasiyadeed u gashay inay DFS ka laabato cayrintaasi ayaa ku fashilantay Soo-celintiisa, waxayna bishii Janaayo 4-dii ku dhawaaqeen inay Ergay cusub soo magacaabi doonaan, waxaana xilkaasi sii haya Ku-xigeenkii Ergaygii la cayriyey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories