HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xarun Warshad oo dib loo howlgeliyay

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xarun Warshad oo dib loo howlgeliyay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya. Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories