HomeCaalamkaKhabiir ka tirsan QM oo si ku-meel-gaar looga sii daayey Xabsi ku...

Khabiir ka tirsan QM oo si ku-meel-gaar looga sii daayey Xabsi ku yaalla Tunisia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Maxkamad Rafcaan oo ku taalla caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa amartay in la sii daayo Khabiirkaasi oo lagu magacaaboMonsef Kartas, kaasi oo xirnaa in ku dhow 2 bilood. Khabiirkaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia, balse haysta Dhalashadda dalka Jarmalka ayaa la sheegay in si Ku-meel-gaar ah loogu sii daayey damiin, inkastoo […]

- Advertisement -

Maxkamad Rafcaan oo ku taalla caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa amartay in la sii daayo Khabiirkaasi oo lagu magacaaboMonsef Kartas, kaasi oo xirnaa in ku dhow 2 bilood.

Khabiirkaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia, balse haysta Dhalashadda dalka Jarmalka ayaa la sheegay in si Ku-meel-gaar ah loogu sii daayey damiin, inkastoo ay dacwadiisa sii socon doonto.

- Advertisement -

Monsef Kartas oo ah Khabiir dhanka Hubka oo ka tirsan QM waxaa lagu soo eedeeyey fal Basaasnimo iyo inuu bixiyey Warbixin sir ahayd.

Sharciga Dalka Tunisia waxa uu dhigayaa qofkii lagu helo fal Basaasnimo inuu muteysanayo Xukun dil ah, inkastoo aan Xukunkaasi la dhaqan gelinin dhowrkii sanno ee ugu dambaysay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories