HomeWararDEG DEG:-Dil Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:-Dil Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu dilay laba ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Ganacsato. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Daarta Xaaji Gaabow ee Degmada dharkeenley,isla markaana waxaa geystay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,iyadoo laba ruux halkaasi ay ku sugnaayen xiliga […]

- Advertisement -

War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu dilay laba ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Ganacsato.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Daarta Xaaji Gaabow ee Degmada dharkeenley,isla markaana waxaa geystay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,iyadoo laba ruux halkaasi ay ku sugnaayen xiliga uu falka dhacayay.

- Advertisement -

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta uga baxsaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen sida dad goobjoogaal ah Dalsan ay u sheegeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay goobta ka qaadeen Meydka labada marxuum ee la dilay.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in baaritaano kala duwan Caawa Ciidamada dowladda ay ka wadaan gudaha Degmada dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa ka dhacyay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo ku hubeysan Bastoolado,xili amniga Caasimadda aad loo adkeeyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories