HomeWararSawirro:-Hormuud Foundation oo Deeq lacageed gaarsiisay Iskuulka dhagoolayaasha Seddco ee Muqdisho

Sawirro:-Hormuud Foundation oo Deeq lacageed gaarsiisay Iskuulka dhagoolayaasha Seddco ee Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Deeqdan dhaqaalle oo ay Hay’adda Hormuud Telecom Foundation gaarsiisay ardayda dhagoolayaasha ee wax kabarta Dugsiga hoose dhex iyo sare ee SEDDCO oo ku yaalla Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda heyada ah oo ay fuliso inta lagu guada jira Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Cabdifaatax Mubaarak Maxamed oo ah maamulha […]

- Advertisement -

Deeqdan dhaqaalle oo ay Hay’adda Hormuud Telecom Foundation gaarsiisay ardayda dhagoolayaasha ee wax kabarta Dugsiga hoose dhex iyo sare ee SEDDCO oo ku yaalla Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda heyada ah oo ay fuliso inta lagu guada jira Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Cabdifaatax Mubaarak Maxamed oo ah maamulha Iskuulkaasi ayaa madaxda Hay’adda uga mahdceliyay deeqdan dhaqaalle ee Maanta la gudoonsiisay,maadaama ay u baahi qabaan Macalimtiinta wax ka dhigta Iskuulka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Telecom Foundation Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Qiray in Mar walba Maamulka Hay’adda Hormuud Foundation u taagan yihiin sidii ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan u Caawinlahaayeen,isla markaana ay wax wanaagsan u qaban doonaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay Dadaalo dheeraad ah oo ay Hay’adda Hormuud Foundation ay ku caawineyso Dadka ay ku adagtahay in ay maareeyaan Noloshooda Inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories