HomeCaalamkaDonald Trump oo ku goodiyey inuu burburin doono Iiraan

Donald Trump oo ku goodiyey inuu burburin doono Iiraan

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Maalmo kadib, markii uu Donald Trump sheegay inuu isku diyaarinayo Wdaa-hadal uu la galo Iiraan ayaa waxa uu haddana soo saaray Cabsi-gelin toos ugu socota Iiraan, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan la burburin doono. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay haddii ay Iiraan doonayso dagaal, taasi waxay […]

- Advertisement -

Maalmo kadib, markii uu Donald Trump sheegay inuu isku diyaarinayo Wdaa-hadal uu la galo Iiraan ayaa waxa uu haddana soo saaray Cabsi-gelin toos ugu socota Iiraan, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan la burburin doono.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay haddii ay Iiraan doonayso dagaal, taasi waxay rasmi ahaan noqon doontaa dhamaadka Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu sii raaciyey in Iiran la burburin doono haddii ay soo weeraraan Danaha Maraykanka ee Gobalka, wuxuuna ugu baaqay Iiraaniyiinta inaysan mar kale cabsi-gelinin Maraykanka.

Dhanka kale, Gantaal ayaa waxa uu ku habsaday meel ku dhow Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leedahay Deegaanka Khadka Cagaaran ee caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad.

Sarkaal u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa xaqiijiyey inuu Gantaal ku habsaday meel ku dhow Dhismaaha Safaaradooda, balse waxa uu sheegay inuusan wax khasaaro ah geysanin.

- Advertisement -

Wakaallaadda Wararka Iraq ayaa sheegtay in Gantaal noociisu yahay Katyuusha uu ku qarxay gudaha Deegaanka Khadka Cagaaran meel wax yar u jirta Safaaradda Maraykanka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories