HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Qaraxaasi oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso xili uu marayay xaafada Al-raxma ee    magaaladaasi. Ugu yaraan saddex askari oo ka […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxaasi oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso xili uu marayay xaafada Al-raxma ee    magaaladaasi.

- Advertisement -

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Boosaaso ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo la socday gaariga uu haleelay,isla markaana waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla halkaasi oo haatan lagu dabiibayo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa durbo gaaray Ciidanka Gobolka Bari,kuwaasi oo baaritaano goobta ka sameeyay,hayeeshee ma jirto cid ay soo qabteen.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii ka dhacayay qaraxyo kala duwan,waxaana ugu dambeysay mid todobaadkan gudihiisa ka dhacay,kaasi oo lagu weeraray Xarunta Maxkamadda Boosaaso,isla markaana waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Daacish.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories