HomeCaalamkaWaqooyiga Kuurya oo baaq u diray Mareykanka

Waqooyiga Kuurya oo baaq u diray Mareykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hadal-qoraal oo  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay in Tallaabadda ay Maraykanka ku qabteen mid ka mid ah Maraakiibtooda Xamuulka uu yahay  fal sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah  Wada-xaajoodkii u dhexeeyey Labada Hoggaamiye ee Trump iyo Kim Jong Un. Dowladda Maraykanka waxaa loogu baaqay in dib loo […]

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay in Tallaabadda ay Maraykanka ku qabteen mid ka mid ah Maraakiibtooda Xamuulka uu yahay  fal sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah  Wada-xaajoodkii u dhexeeyey Labada Hoggaamiye ee Trump iyo Kim Jong Un.

Dowladda Maraykanka waxaa loogu baaqay in dib loo soo celiyo Markabkaasi oo lagu magacaabo Wise Honest, kaasi oo ay Mariniska Maraykanka gacanta ku dhigeen isbuucii hore.

- Advertisement -

Qoraalka ka soo baxay Waqooyiga Kuurya waxaa kaloo lagu sheegay inay qalad weyn noqon doonto, haddii ay Maraykanka rumeysan yahay inay Waqooyiga Kuurya xoog ku maamuli karaan, isla markaana ay indho taxadar leh ku eegi doonaan Dabeecadaha Maraykanka ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, Waxada Garsoorka ee Maamulka Maraykanka waxay isbuucii hore sheegeen inay gacanta ku dhigeen Markab Xamuul oo ay Waqooyiga Kuurya leedahay, kaasi oo haatan lagu hayo Jesiiraddaha Maraykanka ee Samoa ee Koonfurta Badweynta Pacific Ocean.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories