HomeCaalamkaSawirro:-Gaari bilaa Darawal ah oo  ku dhacay Diyaarad Khaas u ah Ra'iisul...

Sawirro:-Gaari bilaa Darawal ah oo  ku dhacay Diyaarad Khaas u ah Ra’iisul Wasaare

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wargeyska Tabolid Bild ee ka soo baxa magaalladda Berlin ayaa qoray in gaari noociisu ahaa Renault Trafic oo aan Dareewal lahayn uu ku dhacay Diyaaradda Khaaska ee Ra’isul-wasaarada Jarmalka, Angela Merkel oo taagnayd Garoonka magaalladdaDortmund.

Gaarigu waxa uu waxyeello gaarsiiyey Diyaaradda, inkastoo uusan dhaawac soo gaarin  3 Shaqaale oo  ku dhex jiray Diyaaradda.

- Advertisement -

Diyaaradda shilka gashay ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray Wejiga hore ee laga hago Diyaaradda.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in aysan Angela Merkel xilliga uu shilku dhacayey ku dhex jirin Diyaaradda.

Afhayeenad u hadashay GaroonkaDortmund oo lagu magacaabo Davina Ungruhe ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah lagu sameynayo waxa sababay inuu gaarigu iskiisa u dhaqaaqo oo uu sababo shil.

- Advertisement -

Ilo-wareed ka tirsan Dowladda ayaa u sheegay Wargeyska tabloid Bild in laga yaabo in Dareewalka gaariga oo malaha ku faraxsanaa inuu arkay Diyaaradda Angela Merkel ayaa la sheegay  inuu illaabay inuu gaariga u jiido Fariin-gacmeedka (The handbrake).

Dhacdadan ayaa timid isbuucyo kadib, markii ay Diyaaradda Khaaska ee Angela merkel ay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha eeSchönefeld Airport ee magaalladda Berlin, xitaa ay Baalasha Diyaaradu taabtaan dhulka.

Si kastaba ha ahaatee, 6 shil oo dhinaca farsamada ayey 12-ka Diyaarad ee Khaaska u ah Dowladda Jarmalka la kulmeen sannadkan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories