HomeWararDad ku geeriyooday shil ka dhacay waddada isku xirta Garissa iyo Nairobi

Dad ku geeriyooday shil ka dhacay waddada isku xirta Garissa iyo Nairobi

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuulladda Tula oo u dhexeysa Degmooyinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi. Bas ay la socdeen in ka badan 60-qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuulladda Tula oo u dhexeysa Degmooyinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi.

Bas ay la socdeen in ka badan 60-qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday shixnad shamiinto ah, wuxuuna burbur xooggan ka soo gaaray daaqadaha iyo saqafka sare ee baska.

- Advertisement -

8 ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi waxay la socdeen Baska, halka 3 kalena la socdeen gaariga Tareelka.

Dadka ku dhawaacmay shilkaasi waxaa loo qaaday Isvitaalka Guud ee Garissa iyo Xarumaha kale ee Caafimaadka ee ku yaalla TuulladdaTula oo u dhow Degmadda Bangal.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka W/Bari Kenya, Maxamed Birik waxa uu sheegay inuu shilkaasi dhacay, kadib, markii uu Bas ay lahayd shirkadda Gaadiidka ee Sabriin  fool-ka-fool ugu dhacay Gaariga Tareelka ee waday Shixnadda shamiintada.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay wadaan baaritaanka sababaha dhaliyey shilkaasi, isagoo nasiib-xumo ku tilmaamay tirada badan ee dadka ku geeeriyooday, kuna dhaawacmay shilkaasi.

Xafiiska Shirkadda Gaadiidka ee Sabriin   ee magaalladda Wajeer waxay xaqiijiyeen inay 11 qof ku geeriyootay shilkaasi, wuxuuna Baska ku sii jeeday magaalladda Nairobi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories