HomeWararTaliye horey uga tirsanaa Milliterigii Dowladii Kacaanka oo la soo taagayo Maxkamad

Taliye horey uga tirsanaa Milliterigii Dowladii Kacaanka oo la soo taagayo Maxkamad

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maxkamadda heerka Degmo ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka waxaa bishan May 13-da la soo taagi doonaan Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, kaasi oo loo haysto inuu Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha geystay xilligii uu Taliyaha ka ahaa Ciiddankii ka hawlgeli jirey Gobalka W/Galbeed ee Somalia. Dhibane lagu magacaabo  Farxaan Warfaa, ayaa la sheegay inuu […]

- Advertisement -

Maxkamadda heerka Degmo ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka waxaa bishan May 13-da la soo taagi doonaan Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, kaasi oo loo haysto inuu Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha geystay xilligii uu Taliyaha ka ahaa Ciiddankii ka hawlgeli jirey Gobalka W/Galbeed ee Somalia.

Dhibane lagu magacaabo  Farxaan Warfaa, ayaa la sheegay inuu dacwad ku soo oogayo  Kolonel Yuusuf Tuke, oo uu ku eedeeyey inuu dambeeyey Jir-dil, Xabsi iyo dhawaac loo geystay muddadii uu Taliyaha ka ahaa Dowladii Kacaanka.

- Advertisement -

Garsoore Leonie Brinkema ayaa loo doortay  inay dhegeysato Dacwadaasi oo la filayo in muddo 4 maalmood la soo bandhigo caddaymaha Dhibanayaasha iyo Is-difaaca Eedeysanaha.

Go’aanka Maxkamadda ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo kadib bishan May 17-da.

Dhibane Farxaan Warfaa ayaa ku dacwoonaya in ciiddanka uu Taliyaha ka ahaa colonel Yuusuf Tuke isaga qafaasheen bishii March ee sannadkii 1988-kii, kadib, markii isaga lagu eedeeyey inuu Ciiddanku ka xaday Booyad nooca Biyaha.

- Advertisement -

Dhibanaha waxa uu ku dooday in la jir-dilay, isla markaana 5 xabbadood lagu dhuftay, loogana tegay sidii qof geeriyooday oo kale.

Dacwadda maalinta Isniinta ka bilaaban doonta Maxkmaad ku taalla Gobalka Virginia ayaa noqon doonta tii 3-aad ee la soo taago Mas’uuliyiin ka tirsanaa Ciiddankii Dowladdii Kacaanka, waxaana horey Maxkamad ku taalla Maraykanka la soo taagay Marxum Jeneral Maxamed Cali Samantar, oo xilalka Madaxweyne-ku-xigeen, Ra’isul-wasaare  iyo Wasiirkii Difaaca ka soo noqday Dowladdii Kacaanka.

Sidoo kale waxaa isagana la soo taagay Kolonel Cabdi Aadan Magan oo Madax ka ahaa Waaxdii Baaritaanka ee Hay’addii Nabad-sugidda Soomaalida ee NSS-ta sannadihii 1988-dii ilaa 1990-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories