HomeWararRW ku-xigeenka Dalka oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah

RW ku-xigeenka Dalka oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

R/Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay rdayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah. Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa […]

- Advertisement -

R/Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay rdayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

- Advertisement -

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada XUkuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin Arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories