HomeWararQarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa  faah faahino dheeraad laga helayaa Qarax ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan Qaraxaasi oo jugtiisa oo si weyn looga maqlay Magaalada ayaa waxaa uu ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari eek u taalla halkaasi. Ugu yaraan 7 ruux oo isugu […]

- Advertisement -

Waxaa  faah faahino dheeraad laga helayaa Qarax ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan

Qaraxaasi oo jugtiisa oo si weyn looga maqlay Magaalada ayaa waxaa uu ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari eek u taalla halkaasi.

- Advertisement -

Ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira dad shacab ah, shaqaale iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Maxkamadda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi,kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Boosaaso si loogu dabiibyo xaaladooda Caafimaad,isla markaana waxaa ku jiro dad qaba dhaawacyo culus.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxaas lala eegtay Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari, Abukar Cabdinaasir,kaasi oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal amniga daro ah,iyadoo todobaadyo kahor ay ka dhaceen Qaraxyo is xig-xigay,kuwaasi oo lagu weeraray Guryo ay halkaasi ka degan yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Boosaaso oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta halkaasi ka dhacay,welina jirto cid sheegatay Mas’uuliyadiisa.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories