HomeCaalamkaMuhaajiriin ku geeriyootay dooni ku degtay Xeebaha Tunisia

Muhaajiriin ku geeriyootay dooni ku degtay Xeebaha Tunisia

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ilaa 70 Muhaajiriin doonaysay inay gaaraan Xeebaha Europe ayaa shalay ku haftay dooni ku degtay Badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka ee dalka Tunisia ee TAP. Ugu yaraan 16 kale ayaa la soo badbaadiyey oo qeyb ka ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Liibiya. Doonida ku degtay Xeebaha dalka […]

- Advertisement -

Ilaa 70 Muhaajiriin doonaysay inay gaaraan Xeebaha Europe ayaa shalay ku haftay dooni ku degtay Badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka ee dalka Tunisia ee TAP.

Ugu yaraan 16 kale ayaa la soo badbaadiyey oo qeyb ka ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Liibiya.

- Advertisement -

Doonida ku degtay Xeebaha dalka Tunisia waxaa la sheegay inay Khamiistii ka shiraacatay xeebaha Liibiya, waxayna Muhaajiriinta qeylo-dhaan u soo dirsadeen Waaberigii hore ee shalay oo Jimco ahayd, xilli ay marayeen meel ka baxsan Xeebaha magaalladda Saqaafis oo 270-KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.

Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM waxay shilkaasi ku tilmaamtay kii ugu xumaa ee dooni ay la socdeen Muhaajiriin oo degtay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Tunisia iyo Sarkaal u hadlay Hay’adda IOM waxay sheegeen in 60 ilaa 70 Muhaajiriin ku hafteen doonida degtay.

- Advertisement -

Doonyaha Kalluumeysiga ee dalkaasi waxay so obadbaadiyeen 16 ka mid ah Muhaajiriintaasi, waxayna wasaaradda Difaaca sheegtay in ay soo saareen maydadka 3 qof.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories