HomeWararMadaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Shirkii fashilmay ee Garoowe

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Shirkii fashilmay ee Garoowe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada.

- Advertisement -

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa isla markana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la”aan ku dhamaado.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Dastuurka dib u habayntiisa ay tahay arin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliyah ay ka go’aan gaadhi karaan.

Arimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Al-shabaab, isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda,

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbaland iyadoo looga gol leeyahay arqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories