HomeCaalamkaDabagal lagu haayo doorka Imaaraadka Carabta ee Colaadaha ka socda Somalia, Sudan...

Dabagal lagu haayo doorka Imaaraadka Carabta ee Colaadaha ka socda Somalia, Sudan iyo Libya

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxa Guddiga Xiriirka Dibedda ee Aqalka Wakiilladda ee Maraykanka, Eliot Engel ayaa shaaca ka qadaay doorka Dowladda Imaaraadka ee dagaalladda ka socda saddexdaasi dal inay tahay fal xadgudb ku ah Qawaaniinta Caalamiga ee ka-hortagga hubka loo qeybiyo qeybaha ku lug leh colaadaha iyo Faragelinta Tooska. Wararka Reer Galbeedka ayaa sheegayo Mowqifka Maraykanka ee arrintaasi timid, […]

- Advertisement -

Madaxa Guddiga Xiriirka Dibedda ee Aqalka Wakiilladda ee Maraykanka, Eliot Engel ayaa shaaca ka qadaay doorka Dowladda Imaaraadka ee dagaalladda ka socda saddexdaasi dal inay tahay fal xadgudb ku ah Qawaaniinta Caalamiga ee ka-hortagga hubka loo qeybiyo qeybaha ku lug leh colaadaha iyo Faragelinta Tooska.

Wararka Reer Galbeedka ayaa sheegayo Mowqifka Maraykanka ee arrintaasi timid, kadib, markii ay DFS ka heleen cabasho sii kordhayso oo ku aadan Tallaabadda ay Imaaraadka Carabta uga dhisanayso Saldhig Milliteri magaalladda Berbera ee W/Galbeed ee dalka Somalia.

- Advertisement -

Goobjoogayaasha waxay kaloo xaqiijiyeen in Qalabka Milliteri ee ay Imaaraadka u gudbinayso Saldhigga Berbera tahay mid ay ka digayaan Guddiga Caalamiga ee Cunaqabataynta saaran Somalia.

Hadalka Madaxa Guddiga Xiriirka Dibedda ee Aqalka Wakiilladda ee Maraykanka Eliot Engel waxa uu soo  baxay 2 maalin kadib, markii ay Baarayaal ka socday QM baaritaano ku sameeyeen doorka ay Imaaraadka Carabta ku leeyihiin dagaalladda ka socda dalka Liibiya iyo Duqeymihii ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar ku qaadeen Xarumaha Dhexe ee Dowladda Liibiya ee ay QM taageerto.

Baarayaasha QM waxay soo ogaadeen in Gantaalladda dhulak laga gano ee ay Kooxda Khaliifa Xaftar u adeegsadeen duqeymahaasi ahaayeen Gantalladda nooca Blue Arrow oo ay Imaaraadka lahaayeen iyo kuwo kale oo lagu farsameeyey dalalka Shiinaha iyo Kazakhistan.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka waxay si dhow indhaha ugu hayaan doorka Imaaraadka ee Arrimaha dalka Sudan iyo Natiijadda ka soo baxda Casuumaad ay Dowladda Imaaraadka u fidisay wakiilo ka kala socda 5 Dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhisan Sudan, kuwaasi oo dhawaan booqasho ku tegay magaalladda Dubai ee Imaaraadka.

Wargeyska New York ayaa qoray in qorshaha Imaaraadka yahay sidii ay Kooxahaasi hubeysan uga biiri lahaayeen Dowladda Suudaan ee ay Golaha Milliteriga hoggaamiyaan, iyadoo ay Xooggaga Rayidka doonayaan in la gaaro Heshiis talada lagu wareejinayo Dowlad Rayid ah.

Faragelinta Imaaraadka ee saddexdaasi waddan ee Carbeed, kama haystaan Dowladda Maraykanka wax taageero Milliteri,  mana haystaan wax Sharciyad Caalami ah, hadday noqon lahayd Urur Caalami ah ama mod ka mid ah Urur-gobaleedyadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories