HomeCaalamkaSawirro:-Diyaarad ku burburtay Garoon ku yaalla Mayanmaar

Sawirro:-Diyaarad ku burburtay Garoon ku yaalla Mayanmaar

Date:

Related stories

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib, markii ay  Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ka sibxatay Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Mayanmaar. Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay labo cad u kala […]

- Advertisement -

17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib, markii ay  Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ka sibxatay Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Mayanmaar.

Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay labo cad u kala jabtay.

- Advertisement -

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Bombadier Dash 8 waxaa saarnaa 29 qof oo rakaab iyo 4 shaqaale, wuxuuna Duuliyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee shilkaasi dhliyey ahayd Cimilada oo aad u xumayd, isla markaana ay dabaylo xooggan dhacayeen.

Wargeyska The Myanmar Times waxa uu soo bandhigay Sawirada Burburka Diyaaradda oo taalla dhul caws ah oo ku dhow dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Bangladesh ee Biman waxaa la socday Rakaab ka soo kala jeeda dalalka Bangaladesh, Myaanmaar, Shiinaha, Kanada, Faransiiska, Switzerland iyo Hindiya.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories