HomeCaalamkaMilliteriga Syria oo qabsaday Magaallo Istaraatijiyad leh

Milliteriga Syria oo qabsaday Magaallo Istaraatijiyad leh

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria waxay sheegeen inay Ciiddanka dowladda ay maanta qabsadeen magaalladda muhiimka ee Kafar Nabuudeh ee Waqooyiga Gobalka Xama ee Bartamaha dalkaasi. Ciiddanka waxay magaalladaasi ka qabsadeen Maleeshiyadda Kooxda Xayaat Taxriir Alshaam ee ay wada shaqeynta leeyihiin Kooxda Nusrat Front. Maleeshiyada Xayaat Taxriir Alshaam ayaa la sheegay inay dib isku […]

- Advertisement -

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria waxay sheegeen inay Ciiddanka dowladda ay maanta qabsadeen magaalladda muhiimka ee Kafar Nabuudeh ee Waqooyiga Gobalka Xama ee Bartamaha dalkaasi.

Ciiddanka waxay magaalladaasi ka qabsadeen Maleeshiyadda Kooxda Xayaat Taxriir Alshaam ee ay wada shaqeynta leeyihiin Kooxda Nusrat Front.

- Advertisement -

Maleeshiyada Xayaat Taxriir Alshaam ayaa la sheegay inay dib isku urursanayaan, si ay dib ugu qabsadaan magaalladda u gacan gashay Ciiddanka Dowladda, kadib, duqeymo Diyaaradeed iyo hubka culus oo dhowr maalmood socotay.

Magaalladda Kafar Nabuudeh ayaa la sheegay inay muhiim u thaay iyadoo isku xirta dhoer Degmo oo ku taalla Waqooyiga Gobalka Xama ee ay Maleeshiyaddu haystaan iyo Koonfurta Gobalka Idlib.

Wargeyska Al-waddan ee taabacsan dowladda Syria waxa uu maalin ka hor qoray inay Ciiddanka Dowladda bilaabeen Hawlgal ka dhan ah Maleeshiyadda ku sugan dhinaca Waqooyiga ee Gobalka Xama ee bartamaha dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories