HomeCaalamkaMareykanka oo diyaarad B52 u diray Qatar

Mareykanka oo diyaarad B52 u diray Qatar

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay ku degi doonto Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-cudayda ee dalka Qatar, waxayna Diyaaradani qeyb ka tahay Diyaaradaha la qorsheynayo inay ka qeyb galaan Weerarka ay Maraykanka la maagan yihiin dalka Iiraan. Telefishinka FOX NEWS ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Diyaaradaasi  maalintii Talaadada ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka […]

- Advertisement -

Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay ku degi doonto Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-cudayda ee dalka Qatar, waxayna Diyaaradani qeyb ka tahay Diyaaradaha la qorsheynayo inay ka qeyb galaan Weerarka ay Maraykanka la maagan yihiin dalka Iiraan.

Telefishinka FOX NEWS ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Diyaaradaasi  maalintii Talaadada ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Cirka Maraykanka ee Barksdale ee Gobalka Lusiyaana ee dalka Maraykanka, kuna wajahan tahay dalka Qatar.

- Advertisement -

Wargeys kale oo ka soo baxa Yuhuudda ayaa qoray in diyaaradda B52 ka gudubtay Hawadooda, iyadoo ku biiraysa Ciiddanka Maraykanka ee saldhigga ku leh dalka Qatar.

Diyaaraddaha Dagaalka ee B52  waxaa ku rakiban Gantaalladda Kuruuska iyo kuwa Nukliyeerka, waxayna awoodi karaan inay xambaartaan hub culayskiisu dhan yahay 32,000 oo Kiilogaram.

La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu horey u sheegay in Markabka xambaara Diyaaradaha Dagaalka ee Abraham Linkoln ku soo wajahan yahay Bariga Dhexe, si looga hortago waxa uu ugu yeeray Khatarta Iiraan ku hayso Danaha Maraykanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories