HomeCaalamkaMareykanka iyo Kenya oo shaaciyay inay ballaarinayaan La-dagaalanka Al-shabaab

Mareykanka iyo Kenya oo shaaciyay inay ballaarinayaan La-dagaalanka Al-shabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Bogga Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu qoray inay Maraykanka iyo Kenya saxiixdeen Heshiis lagu xoojinayso La-dagaalanka Alshabaab, iyo Wadaagista Hawlaha Sirdoonka iyo xoojinta Awoodaha, waa sida ay hadalka u dhigeen. Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay in War-saxaafadeed ay labada dhinac si wadajir ah u soo saareen shalay oo Arbaco ahayd waxaa lagu sheegay […]

- Advertisement -

Bogga Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu qoray inay Maraykanka iyo Kenya saxiixdeen Heshiis lagu xoojinayso La-dagaalanka Alshabaab, iyo Wadaagista Hawlaha Sirdoonka iyo xoojinta Awoodaha, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay in War-saxaafadeed ay labada dhinac si wadajir ah u soo saareen shalay oo Arbaco ahayd waxaa lagu sheegay inay labada dhinac ka go’an tahay xoojinta La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisadda, Difaaca, Iskaashiga Ammaanka Sirdoonka ee Baddaha iyo Is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka.

- Advertisement -

Dowladaha Maraykanka iyo Kenya waxay kaloo xaqiijiyeen sida ay daacadda ugu yihiin hoos-u-dhigidda Awoodda Alsshabaab iyo inay Saaxiibadda Golaha Ammaanka ee QM kala shaqeeyaan sidii cunaqabatayn loogu soo rogi lahaa Alshabaab iyo kooxaha kale ee ka hawl-gala Geeska Afrika, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Labada Waddan waxay kaloo saxiixdeen Dib-u-cusbooneysiinta Iskaashiga qorshaha wadajirka ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee dhinacyadda Ammaanka Rayidka iyo dadaalka La-dagaalanka Musuqa ee ka jira dalka Kenya.

Heshiiska Maraykanka iyo Kenya oo shalay lagu kala saxiixday magaalladda Washington waxa u udaba socdaa Heshiis ay Madaxweynayayaasha Maraykanka iyo Kenya kala saxiixdeen bishii August 27-dii ee sannadkii hore ee ku aadanaa muhiimadda Xiriirka labadooda waddan u noqdo mid ku qotomo Wada-shaqayn Istaraatijiyadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories