HomeMaqalDhageyso:-Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia oo xilka la wareegay + Sawirro

Dhageyso:-Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia oo xilka la wareegay + Sawirro

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Waxaa Maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda. Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

- Advertisement -

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wedi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Wasiirkii hore ku bogaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories