HomeCaalamkaAskari British oo u geeriyooday Maroodi ku durduriyey

Askari British oo u geeriyooday Maroodi ku durduriyey

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain ayaa xaqiijisay inuu Askarigaasi ku geeriyooday dalka Malawi, halkaasi oo uu u joogay Hawlgal looga hortagayo dadka la baxa Foolasha Mardoodiyaasha. Askariga geeriyooday oo la oran jirey Mathew Talbot kana tirsanaa Guutadda 1-aad ee Ciiddanka Ilaaladda Britain ee Coldstream Guards waxaa la sheegay inuu geeriyooday bishan May 5-dii. Warbaahinta British-ka […]

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain ayaa xaqiijisay inuu Askarigaasi ku geeriyooday dalka Malawi, halkaasi oo uu u joogay Hawlgal looga hortagayo dadka la baxa Foolasha Mardoodiyaasha.

Askariga geeriyooday oo la oran jirey Mathew Talbot kana tirsanaa Guutadda 1-aad ee Ciiddanka Ilaaladda Britain ee Coldstream Guards waxaa la sheegay inuu geeriyooday bishan May 5-dii.

- Advertisement -

Warbaahinta British-ka waxay sooweriyeen in la rumeysan yahay inuu Askarigaasi Maroodi ku dul-joogsaday, kuna durduriyey ilaa uu ka geeriyoodo.

Wasiirka Difaaca ee Britain, Penny Mordaunt waxay ka tacsideysay geerida Askarigaasi, iyadoo sheegtay inay Ciiddanka UK u bareeraan khatarta si loo badbaadiyo qaar ka mid ah Xayawaanaadka Caalamka ee ay khatarta ku hayaan Dembiilayaasha dila Duur-joogta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories