HomeCaalamkaEhelka Haweeney Somali-British ka tirsan Daacish oo duqeyn lagu dhawaacay oo baaq...

Ehelka Haweeney Somali-British ka tirsan Daacish oo duqeyn lagu dhawaacay oo baaq u diray Britain

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Qaraabadda Haweeney Somali-British ka tirsan Kooxda Daacish oo xubno muhiim ah ku weyday Duqeyn ay Diyaraad Daroon ka geysatay gudaha dalka Syria ayaa sheegay inay waajib tahay in taageero laga geysto sidii ay ugu soo laaban lahayd dalka Britain.

Waxay ka codsadeen Dowladda Britain inay dib u soo laabato Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Saamiya  Xuseen Tarambi oo loo yaqaano Luul, taasi oo ku dhalatay Isbitaaka Central Middlesex Hospital ee Waqooyiga London, kuna soo wax baratay isla dalka Britain.

- Advertisement -

Cadadkii shalay ee Wargeyska  The Telegraph ee ka soo baxa London waxa uu Qoyskeeda ka soo xigtay inay si xun ugu dhaawacantay duqeyn ay Isbahaysiga u geysteen Daacish, waxayna codsadeen in loo oggolaado inay dib ugu soo laabato Britain.

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay mid ka mid ah gacanteeda iyo naaskeeda ku weyday, kadib, markii ay Diyaarad Droon ah oo la tuhunsan yahay inay lahaayeen Britain ama Maraykanka ay Gantaal la beegsatay Degmo ay Kooxda Daacish kaga sugnaayeen gudaha dalka Syria.

Wargeyska The Telegraph waxa u suurto-gashay inay soo ogaadaan Haweeneydaasi oo horey arday uga ahayd Dugsi ku yaalla Waqooyiga London ka mid tahay tiro haween British ah oo ku biiray Kooxda Daacish, kuwaasi oo la ogaaday oo keliya, kadib markii lagu soo qabtay Deegaanka Baquus oo Kooxda Daacish lagala wareegay bishii March ee sannadkan.

- Advertisement -

Wargeysku waxa kale oo uu qoray in Saamiya Xuseen Tarambi (Luul) loo malaynayo inay haatan ku jirto Xeradda Al-hol Camp ee Waqooyiga Syria, oo ay Maleeshiyadda Kurdishka gacanta ku hayaan.

Haweeneydaasi waxay u sheegtay Wargeyska The Telegraph inay iyada afduubteen Kooxda Daacish, isla markaana ay La-hayste u tahay Kooxdaasi.

Xubin ka tirsan qoyskeeda ayaa u sheegay Wargeyska inay isku dayday inay ka soo baxsato Daacish, balse ay ku hungowday.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Britain weli wax jawaab celin ah kama aysan bixinin Codsiga ay u gudbiyeen Ehelladda Haweeneyda Somali-British-ka dhaawacan ee ka tirsan kooxda Daacish, kuna xayiran gudaha dalka Syria.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories