HomeWararSomalia oo nooqtay dalka ugu saacadaha yar ee soonka Bisha Ramadaan ee...

Somalia oo nooqtay dalka ugu saacadaha yar ee soonka Bisha Ramadaan ee dalalka Carbeed

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Iyadoo maanta la guda-galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qiimeyn lagu sameeyey Waddamadda Carabta ee ugu saacadaha dheer iyo kuwa saacadaha kooban ee Xilliga Ramadaanka. Waddankeenna Somalia ayaa la sehegay inuu yahay waddanka ugu saacadaha kooban ee bisha Ramadaan ee guud ahaan dalalka Carabta. Xilliyeynta waqtiga Ramadaanka ee laga sooman yahay gudaha Somalia maalintii […]

- Advertisement -

Iyadoo maanta la guda-galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qiimeyn lagu sameeyey Waddamadda Carabta ee ugu saacadaha dheer iyo kuwa saacadaha kooban ee Xilliga Ramadaanka.

Waddankeenna Somalia ayaa la sehegay inuu yahay waddanka ugu saacadaha kooban ee bisha Ramadaan ee guud ahaan dalalka Carabta.

- Advertisement -

Xilliyeynta waqtiga Ramadaanka ee laga sooman yahay gudaha Somalia maalintii ayaa la sheegay inay tahay 13 saacadood iyio 30 daqiiqo.

Sidoo kale, Dalka Carbeed ee saacadaha ugu badan laga sooman yahay ayaa ah dalka Algeria oo laga soomo maalintii muddo dhan 16-saacadood.

Xilliyadda Dalalka kale ee Carbeed laga soomo ayaa waxaa ka mid ah :

- Advertisement -

1-     Masar, waxaa laga soomaa 15-saacadood iyo 3 daqiiqo.

2-     Falastiin (Quddus), waxaa laga soomaa 15 saacadood iyo 4 daqiiqo.

3-     Dalka Kuweyt, waxaa isna laga soomaa  14 saacadood iyo 55 daqiiqo

4-      Dalka Imaaraadka Carabta waxaa laga soomaa 14 saacadood iyo 33 daqiiqo

5-      Cummaan waxaa laga soomaa 14 saacadood iyo 31 daqiiqo

Dhinaca kale, inta badan dalalka Islaamka waa laga wada sooman yahay maanta oo Isniin, balse waxaa jira dalal iclaamiyey inay maalinta Talaadada  (Bishan May 7-da) tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Pakistan, Cumaan, Morooko, Hindiya, Jesiiraddaha Komoroos  iyo dadka shiicadda ee ku nool dalka Iraq.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories