HomeWararAkhriso:-Shirweynihii Madasha Tana Forum oo la soo Gebagebeeyey

Akhriso:-Shirweynihii Madasha Tana Forum oo la soo Gebagebeeyey

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kulankii 8-aad ee Madasha Tana Forum ee Ammaanka Qaaradda Afrika ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Baxar Daar ee Gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia. Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Ethiopia, Sahle-Work Zewde ayaa soo xirtay Shirkaasi, waxayna xustay in loo baahan yahay in la sii wado La-tashiga iyo Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Gobalka. Madaxweynihii hore […]

- Advertisement -

Kulankii 8-aad ee Madasha Tana Forum ee Ammaanka Qaaradda Afrika ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Baxar Daar ee Gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia.

Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Ethiopia, Sahle-Work Zewde ayaa soo xirtay Shirkaasi, waxayna xustay in loo baahan yahay in la sii wado La-tashiga iyo Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Gobalka.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Gaana, ahna Guddoomiyaha Guddiga Madasha Tana forum, Jihn Dramani Mahama oo ka jeediyey Doorka Khudbadda ee Shirkaasi waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Nabadda waarta ee Ammaanka Afrika u leedahay guud ahaan Horumarka.

Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Iskaashiya iyo Wada-xaajoodka asaas guud loo  dhigo xal-u-helista Arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna Ergooyinka shirka la wadaagay Istaraatijiyadaha xilliga dheer ee xal loogu heli karo caqabadaha ka taagan Gobalka.

Dhinaca kale, DFS waxaa Kulankaasi uga qeyb galay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wuxuuna la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Gedu Andargachew

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Heerka Sare ee Madasha Tana Forum waa Kulan-sannadeed si wadajir ah isugu keena Hoggaamiyayaasha Afrika iyo Daneeyayaasha kale, si ay isugu xiraan, una sahmiyaan Hoggaaminta Afrika ee Xalka Ammaanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories