HomeWararSawirro:-Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Garoowe?

Sawirro:-Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Garoowe?

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Abshir Muuse kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo halkaasi shalay gaaray iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Garoowe waxaa uu kaga qeyb galayaa Shir wadatashi ah oo uu Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka isugu yeeray Madaxweyne Deni.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta halkaasi gaaray,waxaana Garoowe shalay gelinkii dambe gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shirkan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isla markaana ay u yeelan lahaayeen Wadashaqeyn buuxda.

Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa Caawa aad loo adkeeyay,waxaana meel walbo la dhigay Ciidamo gaar ah iyo kuwa Koofi Casta ee Madaxweynaha.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories