HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo Maanta kusii jeeda Magaalada Garoowe

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta kusii jeeda Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socoda waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb geli doonaa Shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana la isugu yeeray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socoda waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb geli doonaa Shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana la isugu yeeray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Shirkan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo arrimo kale oo ku aadan siyaasada dalka.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana weli gaarin halkaasi Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna kusii jeeda Maanta,waxaana Garoowe shalay gelinkii dambe gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe  ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana meel walbo la dhigay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay sugida amniga Magaalada inta uu socdo Shirkaasi Maanta ka furmaya Garoowe.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories