HomeCaalamkaDiyaraad Rakaab oo ku dhacday Webi ku yaalla Mareykanka

Diyaraad Rakaab oo ku dhacday Webi ku yaalla Mareykanka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Diyaaradaasi oo ay la socdeen 136 qof oo rakaab ayaa ku burburtay waddada ay diyaaradaha ku soo degaan ee Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Jacksonville ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka. Diyaaradaasi oo ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Badda ee Guwatanamo Bay oo ku yaalla  dalka Kuuba ee Havana ayaa la […]

- Advertisement -

Diyaaradaasi oo ay la socdeen 136 qof oo rakaab ayaa ku burburtay waddada ay diyaaradaha ku soo degaan ee Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Jacksonville ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

Diyaaradaasi oo ka soo ambabaxday Saldhigga Ciiddanka Badda ee Guwatanamo Bay oo ku yaalla  dalka Kuuba ee Havana ayaa la sheegay inay ka baxday waddada Runwayg-ga, kuna dhacday Webi kaabiga ku hayey Garoonka.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Saldhigga Diyaaradaha Ciiddanka Badda ayaa sheegay in dadkii la socday diyaarada la badbaadiyey, isla markaana ay Kooxaha ka shaqeynayaan sidii ay u kontarooli lahaayeen inuu shidaalka diyaaradda ku daatay biyaha Webiga.

Diyaaradda waxa la sheegay inay si kedis ah uga baxday Garoonka, ka hor inta aysan ku dhici Webiga Saint Johns River.

Diyaaradda burburtay waxaa ku buufsanaa Loogadda shirkadda Miami Air International, balse Shirkadda kama aysan jawaab-celinin mar ay Wakaalladda Wararka AP la xiriireen.

- Advertisement -

Shirkadda farsamaysa Diyaaradaha ee Boeing waxay sheegtay inay ka war hayaan shilkaasi, isla markaana ya ururinayaan Warbixin, sida ay ku sheegtay Twitter-kooda.

Diyaaradaha nooca Boeing 737 waaxaa bilooyinkii ugu dambeeyey soo wajahday qalqal farsamo, waxayna 2 ka mid ah Diyaaradahaasi ku burbureen dalalka Ethiopia iyo Indonesia, iyado oay boqolaal qof ku naf waayeen.

Inta badan dalalka Caalamka wey joojiyeen inay adeegsadaan Diyaaradaha Rakaabka ee Boeing 737 sababo la xiriira burburkii ku yimid Diyaaradaha noocaasi ah.

Shirkadda Being 737 waxaa soo wajahay culays dhaqaale, waxayna Khubaradu dadaal ugu jiraan inay cillad bixiyaan Nidaamka Xogta hagida diyaaaradahaasi oo ay dhowr Diyaaradood horey ugu burbureen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories