HomeWararQM oo qeylo-dhaan ka muujisay khatar dhinaca Cuntadda ee Somalia

QM oo qeylo-dhaan ka muujisay khatar dhinaca Cuntadda ee Somalia

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric waxa uu sheegay inay  1.7 million oo qof oo ku nool gudaha Somalia ay soo wajahayso xiisado iyo heerar  Gurmad oo ku aadan Ammaan-xumida Cuntada ilaa laga gaarayo bisha June ee soo socota. Afhayeenka QM waxa uu intaasi ku daray  in dib-u-dhaca ku yimid markii labaad Roobka Xilliga […]

- Advertisement -

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujarric waxa uu sheegay inay  1.7 million oo qof oo ku nool gudaha Somalia ay soo wajahayso xiisado iyo heerar  Gurmad oo ku aadan Ammaan-xumida Cuntada ilaa laga gaarayo bisha June ee soo socota.

Afhayeenka QM waxa uu intaasi ku daray  in dib-u-dhaca ku yimid markii labaad Roobka Xilliga inay taasi horseeday inay xoolo badan ku le’daan iyo fashil ballaaran oo ku yimid dhinaca Abuurka beeraha.

- Advertisement -

Heerka Nafaqo-darradda ayaa la sheegay inay korodhay xaalladaha Abaaraha darted, isla markaana ay 850,000 oo carruur u muuqdaan kuwo ay aad u hayso Nafaqo-darro.

Kooxda QM ee Hawlaha Samafalka ee ku sugan Somalia waxay u diyaar garoobayaan  qorshaha looga hortagayo Abaaraha ee inta badan Deegaanadda ay sida xun u saamaysay iyo in la kordhiyo Baahiyaadka loo baahan yahay ee muddada u dhexeysa Bilaha May iyo October ee sannadkan, sida uu Afhayeenka QM ka sheegay Shir Jaraa’is oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in qorshaha Gargaarkii Lacageed ee la filayey la helay 19%  oo keliya, iyadoo kharajka guud ee loo baahnaa in looga jawaabo xaalladda Samafalka ee Somalia ee sannadkan 2019-ka dhan tahay 1.08 Billion oo Dollar.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in hoos-u-dhaca ku yimid kharajkii la filayeyay sababtay inay hoos u dhacaan dhaqdhaqaaqyadda Caafimaadka, Nadaafadda iyo inay gabaabsi noqdaan heerka biyaha ee guud ahaan dalka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories