HomeCaalamkaSawirro:-Masjidka ugu weyn Qaaradda Afrika oo laga dhisay Algeria

Sawirro:-Masjidka ugu weyn Qaaradda Afrika oo laga dhisay Algeria

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Masjidkaasi waxa uu dhismihiisa socday muddo 7 sanno ah, waxaana ku baxday  in ka badan Hal Billion oo dollar.

Masjidkan cusub oo loogu magac-daray Masjidka Jamaaca ee Algeria waxa uu ku fadhiyaa masaafo dhan 400,000 oo mitir oo isku wareeg ah, wuxuuna leeyahay Minaaradda dhererkeedu dhan yahay 265 mitir.

- Advertisement -

Masjidkaasi oo laga dhisay caasimadda dalka Algeria ee Algeris waxaa markiiba ku tukan kara ilaa 120,000 qof, waxa uu leeyahay Dugsi Qur’aan, Maktabad, Baar laga cunteeyo, Xarun Cilmi-baarista Taariikhda dalka Aljeria iyo Masrax lagu qabanayo Muxaaradaha iyo Khudbadaha Diiniga iyo barxad la dhigan karo 7,000 oo gaari

Masjidka cusub ee Jaamaca ee dalka Algeria waxa uu haatan noqday Masjidka 3-aad ee ugu weyn Caalamka, marka laga reebo Labada Masjid ee ka weyn ee Maka Al-mukarama iyo Madiina Al-munawara ee dalka Sacuudiga.

Masjidka Jamaaca ee laga dhisay caasimadda dalka Algeria ee Algeris waxa kale oo uu noqonayaa inuu leeyahay Minaaradda ugu dheer Afrika, waxaana soo labeeya Masjidka Booqr Xsaanka Labaad ee magaalladda Kaasabalanka ee dalka Morooko.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Masjidka Jamaaca ee laga dhisay caasimadda dalka Algeria waxaa maaalgeliyey Madaxweynihii hore ee dalkaasi, C/casiis Butafaliiqa oo xilka ka degay bilowgii bishan April, waxaana hirgelisay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo The China State Construction Engineering Corporation (CSCEC).

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories