HomeCaalamka(Warbixin) Al-bashiir oo ooyin la dhacay, kadib markii uu Maxbuus ugu yeeray...

(Warbixin) Al-bashiir oo ooyin la dhacay, kadib markii uu Maxbuus ugu yeeray Madaxweynihii la casilay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wargeyska  Rakooba  ee ka soo baxa magaalladda Khartuum waxa uu shalay oo Axad ahayd (April 28) qoray Warbixin uu ku bidhaamiyey inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Albashiir uu ooyin la dhacay, markii ugu horreysay oo mid ka mid ah Maxaabiista ku yiri: “Madaxweynihii la casilay”. Wargeyska waxa uu Warbixintaasi hal-ku-dheg uga dhigay:  “ […]

- Advertisement -

Wargeyska  Rakooba  ee ka soo baxa magaalladda Khartuum waxa uu shalay oo Axad ahayd (April 28) qoray Warbixin uu ku bidhaamiyey inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Albashiir uu ooyin la dhacay, markii ugu horreysay oo mid ka mid ah Maxaabiista ku yiri: “Madaxweynihii la casilay”.

Wargeyska waxa uu Warbixintaasi hal-ku-dheg uga dhigay:  “ War Gudaha xabsiga Kobar, Albashiir oo oyin la dhacay, markii  uu maqlay qof ugu yeerayo Madaxweynihii la casilay”.

- Advertisement -

Wargeyska oo soo xigtay Ilo ku dhow Albashiir ayaa sheegay inuu ilmeeyey oo ay indhahiisa sidii daadka oo kale ilin ugu qubanaysay, kadib,  markii uu maqlay hadalkaasi, waxaana uu rumeysan la’ yahay inuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Kobar ee magaalladda Khartuum.

Albashiir oo xanuunka Isku-buuqa ama Istareeska ka  qaaday Xabsiga uu ku jiro waxaa isbuucii hore daaweyn loo geyeey Isbitaalka Royal Care ee ku yaalla Khartuum, kadib, markii uu ku dhacay cuddurka Istarooga oo aad u kooban iyo isagoo diiday inuu cuntada cuno.

Dhinaca kale, Madaxda Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan waxay bilaabeen inay afka furtaan, waxayna markii ugu horreysay sheegeen inuu Madaxweynihii hore ku xiran yahay Xabsiga Kobar, isla markaana la soo arki karo.

- Advertisement -

Cumar Xsaan Al-bashiir oo talada dalkaasi hayey muddo 30-sanno waxaa xilka laga tuuray bishan April 11-dii, kadib, markii ay Saraakiisha milliteriga sameeyeen Afgembi aad loo farsameeyey.

Golaha Milliteriga ayaana Xilka si ku-meel-gaar ah u haya, waxayna Kooxaha Mucaaradka kala tashanayaan sidii loo dhisi lahaa Dowlad Rayid ah, waxaana la magacaabay Guddi si wadajir ah uga shaqeeyaa Xilliga Kala-guurka, si ay Milliteriga talada ugu wareejiyaan Dowlad Rayid ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories