HomeWararKulan xasaasi ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif uga socda Madaxtooyada

Kulan xasaasi ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif uga socda Madaxtooyada

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu Madaxtooyada Soomaaliya uga socda Madaxweyne Maxamed Cabdullaali Farmaajo  iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulankaan ayaa ah mid looga hadlayo  xaaladda dalka, waxaana warar hoose oo aanu helayno ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu Madaxtooyada Soomaaliya uga socda Madaxweyne Maxamed Cabdullaali Farmaajo  iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa ah mid looga hadlayo  xaaladda dalka, waxaana warar hoose oo aanu helayno ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif in la yareeyo dhaliilaha uu u jeedinayo dowladda, isla markaa khudbadihiisa uu ku garab istaago dowladnimada.

- Advertisement -

Sheekh Shariif Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ayaa gelinka dambe ee Maanta waxa uu isku imaatin uu ku qabanlahaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Muqdisho, kaas oo uu Cinwaankiisu yahay doorka dhalinyarada iyo dowladnimada,Madaxweyne Farmaajo ayaana ka dalbaday Sheekh Shariif in Muxaadaradaas ay noqoto mid loogu hiiliyo dowladda uu Madaxweynaha ka yahay.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad lagu daah-furayay Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif ee Imilo Qaran,kaasi oo ay ka qeyb galeen,Mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,iaygoona si kulul si kulul loogu dhaliilay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga waxa uu kulankaan ka bedeli doono khubdaha loogu talagalay in Sheekh Shariif uu Ujeediyo dhalinyarada lagu casuumay kulanka Cinwaankiisuna yahay Dhalinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin dowladnimada.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts