HomeCaalamkaHaweeney dishay Ninkeeda oo ka soo illaabay inuu u soo iibiyo Lugaha...

Haweeney dishay Ninkeeda oo ka soo illaabay inuu u soo iibiyo Lugaha Digaaga oo shiilan

Date:

Related stories

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

Dhacdo La-yaab abuurtay ayaa waxay  bishan 13-dii ka dhacday Bariga dalka Shiinaha, kadib, markii haweeney tooreey la dhacday saygeeda ilaa uu ka geeriyoodo. Haweeneyda oo lagu magacaabo Luo ayaa la sheegay inay Saygeeda oo la oran jirey Wu Shujaan uu muran dhex maray, kadib, markii uu ninkeeda guriga ku soo laabtay, isagoo aan u soo […]

- Advertisement -

Dhacdo La-yaab abuurtay ayaa waxay  bishan 13-dii ka dhacday Bariga dalka Shiinaha, kadib, markii haweeney tooreey la dhacday saygeeda ilaa uu ka geeriyoodo.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Luo ayaa la sheegay inay Saygeeda oo la oran jirey Wu Shujaan uu muran dhex maray, kadib, markii uu ninkeeda guriga ku soo laabtay, isagoo aan u soo iibinin dhowr Lugaha Digaaga  oo ay doonaysan inay ku casheeyaan.

- Advertisement -

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inay Haweeneydii soo qaadatay Mindiyaha khudaarta lagu jarjaro, kadibna waxay la dhacday saygeeda oo ay u haystay 2 carruur ah.

Falkaasi waxa uu ka dhacay dhismo ay qoyskaasi ka degganaayeen magaalladdaLujiyang.

Qaraabadda sayga la dilay waxay sheegeen inay Haweeneydu ahayd mid xanaaq badan, isla markaana aysan nabad ku le’di jirin tan iyo markii ay is-guursadeen.

- Advertisement -

Nin ay ilmo adeer yihiin sayga la dilay oo la hadlay Idaacadda Anhui Broadcasting Station yiri: “Wxaay mar kasta garaaci jirtey Ninkeeda, oo isaga aan marnaba ka fal-celin garaacista joogtadda ee ay xaaskiisa u geysan jirtey”.

Lammaanahaasi oo wiil iyo gabar haystay, waxaa maalin kasta la maqli jirey murankooda, sida laga soo xigtay dadka deriska la ah.

Sayga la dilay hooyadiisa oo lagu magacaabo He Jangyimg waxay sheegtay inuu wiilkeeda joogay goob ganacsi, markii ay xaaskiidsa ka codsatay inuu u soo iibiyo dhowr digaaga lugihiisa, balse waxa uu illaabay inuu u soo qaado oo guriga ugu keeno.

Waxay sheegtay inay ku jirtay Suuliga Qubayska markaii ay maqashay qeylo, waxayna markii ay soo baxday aragtay wiilkii oo dhulka yaalla oo dhiig dhex jiifa.

Waxaa loola cararay Isbitaalka, iyadoo ay Dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Boliska magaalladda ay dhacdadan ka dhacday ee Lujiyang wey ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu u dhacay dilkaasi, balse waxay sheeegeen inay baaritaano socdaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories