HomeMaqalDhageyso:-Shir la isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe

Dhageyso:-Shir la isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay waxa uu Shir wadatashi ah isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni oo Shir Jaraa’id uu uga hadlayay Safarkiisii uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka ku qabtay Garoowe ayaa waxaa sheegay in Shirkan la qaban doono […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay waxa uu Shir wadatashi ah isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo Shir Jaraa’id uu uga hadlayay Safarkiisii uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka ku qabtay Garoowe ayaa waxaa sheegay in Shirkan la qaban doono 2-da bisha May,isla markaana uu ka furmi doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

- Advertisement -

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona oo lagu Casuumaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Madaxda maamulada dalka sida,Jubbaland,Koonfur Galbeed,Hirshabeelle iyo Galmudug.

Sidoo kale waxaa la filayaa in looga hadli doono Shirkan qodobo ay kamid ah sidii ay wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka iyo arrimo kale oo ku aadan xaaladda dalka.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in magaca shirkan uusan qaadan doonin magaca Golaha Amniga Qaranka oo kale,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay qodobada ka soo bixi doona Shirkaas.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories