HomeWararMuwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Sweden oo dib looga laabtay

Muwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Sweden oo dib looga laabtay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay Go’aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Soomaali oo  lagu helay fal Kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood. Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan jirin sababo aan caadi ah oo khasbaysa in Ninkaasi la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa. Taasi […]

- Advertisement -

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay Go’aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Soomaali oo  lagu helay fal Kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan jirin sababo aan caadi ah oo khasbaysa in Ninkaasi la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

- Advertisement -

Taasi bedelkeeda, waxay Maxkamadda Sare u kordhisay Eedeysanaha Soomaaliga xukunkii horey loogu xukumay oo ahaa hal sanno iyo  710 bilood, waxaana Xukunkiisa la gaarsiiyey  xabsi dhan  2 sanno iyo 2 bilood.

Maxkamaddu waxay kaloo Eedeysanaha ku xukuntay inuu bixiyo kharaj lagu sheegay khasaaraha soo gaaray haweeneyda Dhibanaha oo lagu qiimeeyey 115,000 oo Lacagta Kroner-ka ee dalka Sweden, oo u dhiganta Dollar ahaan 12-kun iyo 70 Cent.

Balse, Haweeneyda dhibanaha ayaa waxay ka hor-timid xukunka Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxayna ku tilmaamtay  Go’aan guud ahaan  waali ah.

- Advertisement -

Mar sii horreysay, Labo Maxkamado Heer Hoose ayaa waxay horey ugu xukumeen Eedeysanaha oo oo 33-jir  inay waajib tahay in la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xabsiga uu ku muteystay Falka Kufsiga

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Ninka Soomaaliga markii ugu horreysay ay Maxkamadda Degmadda ee magaalladda Linköping xukun ku riday , kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu Kufsaday Haweeney uusan aqoonin.

Eedeysanaha waxa uu qirtay Kiiska lagu soo oogay, iyadoo Haweeneyda Dhibanaha ahayd iyo Milkiilaha Dhismaha ku caddeeyeen inuu kufsaday Haweeneydaasi, waxaana Xeer-beegtida Maxkamadda loo soo bandhigay Caddaymo ku aadan  Hiddo-sidaha Eedeysanaha ee  (DNA)-da oo laga helay Haweeneyda uu kufsaday.

Sharciga dalka Sweden ayaa waxa uu dhigayaa in Dembiilayaasha lagu helo Dembiyadda Khatarta ah laga masaafurin doono Sweden, oo qeyb ka ah Ciqaabtodoa, haddii uusan Eedeysanuhu haysanin Muwaadinimadda Swedish-ka.

Sidoo kale, Sharciga Sweden waxa uu dhigayaa inay Maxkamaduhu helaan haddii ay jiraan sababo aan caadi ahayn ee lagu amrayo Masaafurinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories