HomeWararKenya oo ka baaraan-degaysa inay xiriir Diplomaasi la yeelato Somaliland

Kenya oo ka baaraan-degaysa inay xiriir Diplomaasi la yeelato Somaliland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Kenya waxay sahmin ugu jirtaa inay xiriir la yeeshaan Somaliland, kadib, markii ay Ergay u magacowday Xafiiska hawlgalka Kenya  (Kenyan Mission)  ee laga furi doono caasimadda Maamulka Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Dowladda Kenya ku biiri doonto dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti oo Xfaiisyo Diplomaasiyadeed ku […]

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay sahmin ugu jirtaa inay xiriir la yeeshaan Somaliland, kadib, markii ay Ergay u magacowday Xafiiska hawlgalka Kenya  (Kenyan Mission)  ee laga furi doono caasimadda Maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Dowladda Kenya ku biiri doonto dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti oo Xfaiisyo Diplomaasiyadeed ku leh Somaliland,.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya waxay Ergaygooda Somaliland u magacowday Githiora Philip Mundia, kadib, markii ay wada-hadal yeesheen Wasiirad Arrimaha Dibeddaka ah dalka Kenya, Monika Juma iyo Ergayga Somaliland u jooga Kenya, Omar Bashe.

Waxay kaloo kulan la yeelatay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland, Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale, Ergayga Somaliland u jooga Kenya waxa uu ku baaqay inay Shirkadda Kenya Airways bilowdo duullimaad ay ku tegayso Hargeysa, si Ganacsi loogu helo Qadka Kenya.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu sheegay inay tiro badan oo Muwaadiniinta Kenyanka ka shaqeystaan, kuna nool yihiin Somalia, taasi oo caddayn ah qaabilaadda wanaagsan.

Ergayga ay Dowladda Kenya u magacowday inuu wakiil uga noqdo Somaliland, Githiora Philip Mundia waxa uu ku shaqeynayey sida La-taliyaha Wasiirka ee Safaaradda Kenya ku leedahay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Githiora Philip Mundia ee dhismaha Xafiiska Hawlgalka  Kenya ee magaalladda Hargeysa waxay malaha caddayn u tahay inay Dowladda Kenya ugu dambeyntii Maamulka Somaliland ee iskiisa ugu dhawaaqay Gooni-isku-taagga ay u aqoonsan doonto Waddan ka madax bannaan Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories