HomeCaalamkaHowlgal lagu soo qabtay Burcad-baddeed laguna sii daayey La-haystayaal

Howlgal lagu soo qabtay Burcad-baddeed laguna sii daayey La-haystayaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo laga kala lahaa dalalka Spain iyo  Koonfurta Kuurya oo marayey meel 280 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta […]

- Advertisement -

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo laga kala lahaa dalalka Spain iyo  Koonfurta Kuurya oo marayey meel 280 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta Hindiya.

Hadal ka soo baxay Hawlgalka Atalanta ayaa lagu sheegay inay dabagal ku sameeyeen Burcad-baddeedaasi oo iyagu afduubka u adeegsaday Dooni ay Kalluumeysato  Yemeniyiin lahaayeen.

- Advertisement -

Shilka Burcad-baddeeda oo dhacay muddadii u dhexeysay bishan 21-dii iyo 23-dii April ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay Burcad-baddeedka ka geysteen meel ka baxsan Xeebaha Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee EU-da ayaa la sheegay inay dabagal ku sameeyeen Doonida ay Burcad-baddeeda u adeegsadeen weerarkii fashilmay ee ay ku qafaalan lahaayeen labada dooni ee ka baxsaday.

Hawlgalkaasi waxay ciiddanka gacanta ku soo dhigeen 5 Burcad-baddeed Soomaali iyo doonidii ay wateen, oo ay ku haysteen 23 kalluumeysato u dhalatay dalka Yemeen.

- Advertisement -

Hawlgalka Operation Atalanta waxay sheegeen inay Kalluumeysatada Yemeniyiinta iyo doonidooda sii daayeen, balse, ay Burcad-baddeed ku hayaan mid ka mid ah Maraakiibta Dagaalka ee hawlgalka ka wada Xeebaha Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories