HomeCaalamkaQaxootiga ku xiran Liibiya oo sheegay in si aan kala sooc lahayn...

Qaxootiga ku xiran Liibiya oo sheegay in si aan kala sooc lahayn ay u dhaawaceen…

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Qaxooti iyo Muhaajiriin ku go’doonsan Xero dadka lagu hayo ee Aagga hore ee Dagaalka ee caasimadda dalka Libya ee Tripoli ayaa la sheegay in shalay si aan kala sooc lahayn loo toogtay.

Ciiddanka u daacadda ah Jeneral Khaliifa Xaftar ayaa la sheegay inay geysteen weerarkaasi, iyadoo ugu yaraan 10 qof oo Qaxooti ah si xun loogu dhaawacay Xarunta dadka lagu hayo ee Qasri Bin Qashiir oo 25 KM dhanka Koonfur kaga toosan magaalladda Tripoli.

- Advertisement -

Qaxooti u dhashay Eritrea oo Telefishinka Aljazeera kula xiriiray Shabakadda Whatsapp-ka ayaa sheegay inay Ciiddanka Khaliifa Xaftar si toos ah u tooganayaan Qaxootiga ku xiran Xaruntaas.

Ninkaasi waxa uu sheegay inay u bahaan yihiin Daaweyn, maadaama tiro badan oo Qaxooti ah lagu dhaawacay Toogashadaasi.

Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku go’doonsanaa Xarunta dadka lagu hayo ee Qasri Bin Qashiir waxay horey ugu gacan-sayreen in loo wareejiyo Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee ku taalla Degmadda Zintan oo 170-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Tripoli.

- Advertisement -

Qaxootigaasi waxy kaloo Al-jazeera TV u sheegeen in Dagalayahano ka tirsan kuwa Khaliifa Xaftar ay si xun u garaaceen 2 ka mid ah Qaxootiga  oo doonaysay inay ka tagaan Xaruuntaasi, si ay u soo helaan biyo nadiif ah.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay in ka badan 100 haween iyo ku-dhawaad 50 carruur ka mid yihiin 728 Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee ku xiran Xarunta dadka lagu hayo ee Qasri Bin Qashiir ee dalka Libiya.

Ilaa 6-kun oo Qaxooti iyo Muhaajiriin ayaa haatan ku xiran Xarumaha dadka lagu hayo ee ay maamulaan Waaxda Dowladda Libiya ugu qaabilsan Ka-hortagga Muhaajiriinta sharci-darradda ku jooga dalkaasi.

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in ka badan 2,700 ka mid ah Qaxootigaasi ku xiran yihiin Deegaanadda ay ka socdaan dagaalka u dhexeeya Ciiddanka Dowladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay iyo kuwa u daacadda ah Khaliifa Xaftar.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories